Salaam Göteborgare! 
Nagala sheekee sheeko ka timid dhaqankaaga!
Ma ku hadashaa mid kamid ah luuqadahan?
Soomaali, Faarsi, Kurdi, Carabi, Isbaanish, Boolish, iyo Serbo-Kurooshiyaan.
Dadka la doortay ee sheekooyinka soo gudbiya waxaa si xirfad leh loo duubi doonaa kadibna si online ah loo baahin doonaa si aduunka oo dhan ay u arkaan ugana maqlaan sheekooyinkaas. Waxaad noqon kartaa midkood!
Ka qaybgalkaaga wuxuu gaari doonaa carruur—iyo dadka waaweyn—oo doonaya inay maqlaan sheekadaada.
Waxaanu kaa caawin doonaa inaad sheekadaada afka ku xidho buug ay qoreen dad tiro yar oo Iswiidhan jooga, jawaab ahaan.
Sheekada aad ka jawaabto waxay noqon kartaa:
Sheeko leh dhacdo la mid ah mida buugga
Sheeko leh hal ama dhowr dabeecado oo la mid ah kuwa buugga
Sheeko leh xikmad ama cashar la mid ah kuwa buugga
Sheeko leh mawduuc la mid ah
Buugaagtaan waxaa qorey qoraayaal ku hadla mid kamid ah afarta luuqadood ee rasmiga ah ee laga tirada yar yahay ee Iswiidhan—Meänkieli, Finnish, Sami, Romani Chib, iyo Yiddish. Waxaan rabnaa inaan kor u qaadno buugaagtooda iyo sheekooyinkooda, iyo dhaqankaaga iyo sheekooyinkaaga, annagoo idinku xirinaya dhaqanka carruurta.
Waxaanu dooranay buugaag caruureed oo ku qoran luqadaha laga tirada badan yahay ee dalka Iswiidan. Waxay diyaar ku yihiin maktabadda. Waxa kale oo laga heli karaa abka "Bläddra" oo ku qoran afkoodii asalka ahaa.
Lilli, farfar och norrskenet — Anita Midbjer, Elin Marakatt
Dansbus och kaktrubbel — Marin Salto
Camping och kurragömma — Marin Salto
Badbomber och simhopp — Marin Salto
Plupp och havet — Inga Borg
Plupp och vargen — Inga Borg
Plupp och midnattssolen — Inga Borg
Plupp bygger bo — Inga Borg
• Pimpelfiske — Ann-Helén Laestadius
Nöten — Sarah Schulman, Karl Kjäl